Wasaarada Arrimaha Dibbada Soomaaliya oo soo bandhigtey waxqabadkeeda muddo 4 sano ah

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar Cali (Balcad), ayaa xarunta Wasaaradda ku soo bandhigay muxaadaro ku saabsan xaaladda diblomaasiyadda Soomaaliya iyo waxqabadka muhiimka ah ee Wasaaradda ay gaartay afartii sano ee la soo dhaafay.
Muxaadaradaan, oo uu soo qabanqaabiyay Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda, ayaa qeyb ka ahayd dadaallada joogtada ah ee lagu horumarinayo aqoonta diblomaasiyadda iyo kor u qaadidda wacyigelinta bulshada.

Muxaadarada waxaa ka qeyb galay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda, agaasimayaasha waaxyaha, shaqaalaha Wasaaradda, mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo arday ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo Jaamacadda Muqdisho.

Intii lagu guda jiray bandhigga, waxaa lagu soo bandhigay horumarka laga sameeyay xoojinta xiriirrada laba geesoodka ah iyo kuwa dhinacyada badan, horumarinta diblomaasiyadda dhaqaalaha, ilaalinta madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo sare u qaadidda kaalinta iyo sumcadda dalka ee fagaarayaasha caalamiga ah.

Kulanka ayaa sidoo kale dirada lagu saaray sida ay Wasaaraddu uga go’an tahay hirgelinta mudnaanta siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo sii xoojinta iskaashiga caalamiga ah, si loo taageero nabadda, xasilloonida, iyo horumar waara

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

RW Xamsa oo sameeyay magacaabis cusub

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay agaasimeyaasha...

Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhintay qarax ka dhacay waqooyi-galbeed ee Pakistan

Booliska waqooyi-galbeed ee Pakistan ayaa ku dhawaaqay in ugu...

Guddiga Shaqaalaha Rayidka oo hakiyay qorshihii Xamsa, taageerayna BFS

Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Soomaaliyeed ayaa 26-ka Sebtembar 2026...

Ciraaq oo Maraykanka kala hadlaysa duulimaadyada Iran

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq ayaa sheegay in dowladda ay...

Sheegashada Puntland ee markabkii oo dood ka dhalatay iyo xog cusub

War cusub ayaa kasoo kordhaya cidda dhab ahaantii soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles