Uganda oo ku biirtay dalalka ku tartamaya codka Soomaaliya ee u sharraxan Xilka Xoghayaha Guud ee Q.M

Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah ugu biirtay tartanka loogu jiro xilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, kaddib markii ay u sharraxday diblomaasiga rug-caddaaga ah Danjire Olara Otunnu, oo hore u soo noqday Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay. Magacaabistan ayaa ka dhigaysa Otunnu musharraxii toddobaad ee si rasmi ah ugu tartama xilkan.

Tallaabadan ayaa sare u qaadaysa loolanka ka dhex socda musharraxiinta, iyadoo Soomaaliya ay sidoo kale leedahay musharrax u taagan qabashada xilkan.

Taageerada codka Soomaaliya ayaa loo arkaa mid muhiim ah, maadaama Soomaaliya ay ka tirsan tahay dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, codkeeduna uu door ku yeelan karo ololaha musharraxiinta iyo dadaallada lagu kasbanayo taageerada dalalka Afrika iyo kuwa caalamka.

Doorashada Xoghayaha Guud ayaa lagu saleeyaa taageerada dalalka

xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, halka Golaha Ammaanka uu soo xulo musharraxa ugu dambeeya, taasoo ka dhigaysa in waddan kasta iyo codkiisu yeeshaan miisaan siyaasadeed inta lagu jiro ololaha.

Waxaa sii xoogeysanaya dadaallada ay musharraxiintu ku raadinayaan taageerada dalalka Afrika, oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ciidamada Puntland oo xoog ku soo furtay markab ay haysteen kooxaha Burcadbadeeda

Ciidamada Difaaca Badda Dowladda Puntland, gaar ahaan Ciidamada Badda...

Masar iyo Eritrea oo ka wada hadlay amniga Badda Cas iyo xaaladda Soomaaliya

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Masar iyo Eritrea ayaa kulan...

DFS oo si kulul uga falcelisay warqaddii Deni uu u diray Qaramada Midoobay

Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay qoraal uu...

 Dowlad xiriirka diblumaasiyadeed u jartay Iran oo dagaal kula jirta Mareykanka

Dowladda Colombia ayaa sheegtay in go’aanka ay ku saleysay...

Askar ka tirsan ciidanka saaran markabka USS Abraham Lincoln oo ku hanjabay inay isdilayaan

Sida uu sheegay ku-simaha Xoghayaha Ciidanka Badda Mareykanka, siddeed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles