Monday, July 27, 2026

Golaha Mustaqbalka oo Fariin Culus u diray dalalka Ciidamada ka Jooga Soomaaliya

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (Somali Future Council) ayaa warqad furan u diray madaxda dalalka ciidamada iyo booliiska ku leh howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, isagoo ugu baaqay in sii wadista taageerada amni ee Soomaaliya lagu xiro in marka hore la gaaro heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Warqadda oo ku taariikhaysan 27-ka Luulyo 2026 ayaa loo diray madaxda Uganda, Kenya, Itoobiya, Jabuuti, Burundi iyo Masar, xilli dhammaadka bishan magaalada Kampala lagu qabanayo shir looga hadlayo mustaqbalka howlgalka AUSSOM iyo amniga Soomaaliya.

Golaha ayaa warqaddiisa ku sheegay in Soomaaliya ay ku jirto marxalad siyaasadeed oo halis ah, isagoo ku doodaya in muddo-xileedka Madaxweynaha uu dhammaaday 15-kii May 2026, halka muddo-xileedka Baarlamaankuna uu dhammaaday 14-kii Abriil 2026, islamarkaana aan weli la gaarin heshiis siyaasadeed oo hagaya kala-guurka dalka.

Sidoo kale, warqaddu waxay sheegtay in kala qaybsanaanta siyaasadeed ay wiiqday wadajirka qaranka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish, iyadoo lagu eedeeyay dowladda federaalka inay khilaafaadka siyaasadeed ka hormarisay dagaalka argagixisada.

Golaha Mustaqbalka ayaa sidoo kale sheegay in xiriirka Dowladda Federaalka iyo maamullada Puntland iyo Jubbaland uu sii xumaaday, isla markaana ciidamada maamulladaas oo dagaal kula jira Al-Shabaab iyo Daacish aan la siin taageeradii ay u baahnaayeen.

Warqadda ayaa ku doodaysa in caqabadaha dhaqaale ee haysta howlgalka AUSSOM iyo taageerada caalamiga ah aysan salka ku hayn howlgalka laftiisa, balse ay ka dhasheen qalalaasaha siyaasadeed iyo maqnaanshaha heshiis siyaasadeed oo sharciyad leh.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ugu dambeyn ugu baaqay madaxda dalalka AUSSOM inay taageeraan heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, laguna dhiso gole ku-meel-gaar ah oo kormeera kala-guurka dastuuriga ah iyo doorashooyinka, isagoo sheegay in heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay uu noqdo saldhigga iyo shuruudda sii socoshada taageerada amniga Soomaaliya.

WARARKII KALE

Milateriga Sudan oo shaaciyey guul ay gaareen

Ciidanka Suudaan ayaa sheegay inay si buuxda ula wareegeen...

Iiraan oo u yeertay Safiirka Faransiiska u fadhiya Tehraan

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa ku dhawaaqday in...

Uganda oo ku biirtay dalalka ku tartamaya codka Soomaaliya ee u sharraxan Xilka Xoghayaha Guud ee Q.M

Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah ugu biirtay tartanka...

Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya Kadib Wasiirro laga hor Istaagay Nairobi

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u yeertay Safiirka Kenya u...

Baarlamaanka WQB oo Dalbaday in Maxkamad la Horgeeyo Maxaabiistii lagu qabtay Dagaalkii Goojacadde

Golaha Wakiillada Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa soo saaray...

Iran oo hanjabaad u dirtay Ukraine

Ebrahim Azizi, madaxa Guddiga Amniga Qaranka ee Baarlamaanka Iiraan,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles