Saturday, February 14, 2026

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qaybgalay Shirarka Guddiga Saddex-geesoodka ah Wasiirrada Arrimaha Dibadda Somalia Masar iyo Eritrea

Mudane Axmed Macallim Fiqi, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo wafdigiisa ayaa ka qaybgalay shirkii labaad ee Guddiga Saddex-geesoodka ah ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Masar, iyo Eritrea, oo ka dhacay magaalada Qaahira, kadib martiqaad uu ka helay Mudane Dr. Badr Cabdilcaati, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Socdaalka iyo Arrimaha Dibadda ee Masar.

Intii lagu guda jiray shirka, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga wadajirka ah iyo heerka wada-shaqeynta iyo isuduwidda ee u dhexeeya saddexda dal ee kala duwan, iyadoo la fulinayo go’aamadii kasoo baxay shirkii Asmara ee dhacay 10-kii Oktoobar 2024. Waxaa sidoo kale laga arrinsaday hababka lagu hirgelinayo go’aamadii hore ee laga gaaray shirarkii hore, iyo sidii loo furi lahaa fursado cusub oo ka tarjumaya rajada iyo himilooyinka shucuubta saddexda dal.

Kulanku wuxuu diiradda saaray muhiimadda iskaashiga istiraatiijiga ah ee lagu gaarayo nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas, oo ay ku jirto iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar si loo taageero dadaallada nabad ilaalinta iyo dhismaha nabadda ee Soomaaliya, gaar ahaan kaalinta Masar ee ku aaddan hawlgalka Midowga Afrika ee taageeraya Soomaaliya (AUSSOM). Sidoo kale, waxaa kulanka lagu falanqeeyey xaaladda Sudan iyo saameynta gobolkeeda, iyadoo lala garab istaagayo shacabka reer Sudan si loo ilaaliyo hay’adahooda qaran iyo hantidooda qaranka.

Dhanka kale, Soomaaliya iyo Eritrea ayaa si buuxda u taageeray Dr. Khaled El-Anani, oo ah musharraxa Jamhuuriyadda Masar ee jagada Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO.

Ugu dambayntii, waxaa shirka lagu adkeeyey baahida loo qabo in la ixtiraamo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo in aan lagu faragelin arrimaheeda gudaha. Sidoo kale, waxaa lagu heshiiyey in la sii wado wada-shaqeynta saddex-geesoodka ah, iyadoo kulanka xiga ee guddiga saddex-geesoodka ah lagu qaban doono caasimadda Soomaaliya, Muqdisho.

WARARKII KALE

Farmaajo oo Xasan Sheekh ugu baaqay inuu tanaasul la yimaado

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay...

Shir madaxeedka Midowga Afrika oo ka furmay Itoobiya

Shir.madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika ayaa maanta ka fumay...

Baarlamaanka Soomaaliya oo sii wadaya doodda wax ka beddelka Dastuurka

Xildhibaanada muxaafadka ah ee labada gole ee Baarlamaanka Federaalka...

Kulamo siyaasadeed oo xalay ka dhacay Muqidsho

Kulamo siyaasadeed oo kala duwan ayaa xalay ka dhacay...

Hogaamiyaha Jarmalka oo qiray in ay kala qeybsan yihiin Yurub iyo Mareykanka

Hogaamiyaha Jarmalka Friedrich Merz ayaa ka digay shir weyn...

RW Xamsa oo qaylo u diray Beesha Calaamka iyo Ganacsatada Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles