Ciidamada Danab ee Gen Jimcaale oo MW Deni ku eedeeyay hurinta dagaal Sokeeye, Kana digay in weerar lagu qaado PSF

Ciidamada Danab ee Puntland, oo uu hoggaamiyo Gen. Jimcaale Takar, ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay ku eedeeyeen Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, inuu hurinayo dagaal sokeeye, iyagoo ka digay in weerar lagu qaado ciidamada PSF.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in wararka la xiriira suuragalnimada dagaal ka dhex qarxa Puntland iyo weerar lagu qaado ciidamada PSF ay yihiin kuwo walaac leh.

Ciidamadu waxay sheegeen in khilaafka jira uu yahay mid siyaasadeed, isla markaana aysan jirin sabab ciidamo reer Puntland ah loogu abaabulo dagaal dhexdooda ah.

Ciidamada Danab ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Deni inuu hurinayo colaad iyo dagaal sokeeye, iyagoo sheegay in haddii dagaal dhaco uu mas’uuliyaddiisa qaadi doono.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen cid kasta oo ka aragti duwan maamulka Puntland inay ka shaqeyso xal nabadeed, isla markaana laga fogaado dhiigga askarta reer Puntland iyo colaad dhex marta ciidamada.

War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri:

“Waxaan si weyn uga digaynaa wararka la xiriira suuragalnimada in dagaal ka bilowdo guud ahaan Puntland, weerarna gardarro ah lagu qaado ciidamada PSF. Hoggaamiye Siciid Deni wuxuu hurinayaa colaad iyo dagaal sokeeye.Ma jiro cid Puntland kaga soo duushay dibedda, khilaafka jira waa mid salka ku haya arrimo siyaasadeed.”Waxaan ku baaqeynaa in laga hortago daadinta dhiigga askarta reer Puntland iyo colaad la dhex dhigo qeybaha ciidamada reer Puntland.”

Sidoo kale, ciidamada ayaa sheegay:

“Ciidanka Danab waxay cambaareynayaan bilaabashada dagaal iyo colaad sokeeye oo ka dhacda Puntland, mas’uuliyaddeedana waxaa qaadaya hoggaamiye Siciid Cabdullaahi Deni. PSF waxay door muhiim ah ka soo qaateen amniga Puntland sannado badan, waana ciidan reer Puntland ah.”

Hadalkan ayaa kusoo aadaya iyadoo uu cirka isku sii shareerayo xiisadda siyaasadeed iyo tan amni ee ka dhex aloosan Puntland, isla markaana ay isa soo tarayaan baaqyada looga digayo isku dhac dhexmara ciidamada kala aragtida duwan.

WARARKII KALE

Ciidamada Puntland oo xoog ku soo furtay markab ay haysteen kooxaha Burcadbadeeda

Ciidamada Difaaca Badda Dowladda Puntland, gaar ahaan Ciidamada Badda...

Masar iyo Eritrea oo ka wada hadlay amniga Badda Cas iyo xaaladda Soomaaliya

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Masar iyo Eritrea ayaa kulan...

DFS oo si kulul uga falcelisay warqaddii Deni uu u diray Qaramada Midoobay

Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay qoraal uu...

 Dowlad xiriirka diblumaasiyadeed u jartay Iran oo dagaal kula jirta Mareykanka

Dowladda Colombia ayaa sheegtay in go’aanka ay ku saleysay...

Askar ka tirsan ciidanka saaran markabka USS Abraham Lincoln oo ku hanjabay inay isdilayaan

Sida uu sheegay ku-simaha Xoghayaha Ciidanka Badda Mareykanka, siddeed...

Netanyahu oo loo banneeyey hoolka golaha QM, xilli uu jeedin rabay khudbaddiisa

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa khudbad uu ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles