Wednesday, July 29, 2026

Jubbaland oo ku eedeysay DF in markii ay ku fashilan tahay Raaskambooni ay Cadaadiskii Siyaasadeed u weecisay Puntland

Maamulka Jubbaland ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay cadaadis siyaasadeed u weecisay Puntland, kaddib markii ay sida uu sheegay ku guuldareysatay dadaallo ay hore ugu wajahday Jubbaland.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jubbaland, Cabdifataax Maxamed Mukhtaar, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Dowladda Federaalka aysan ku guuleysan qorshayaal ay ku dooneysay inay saameyn ku yeelato Jubbaland, isagoo xusay in shacabka iyo maamulka Jubbaland ay iska caabiyeen waxa uu ku tilmaamay faragelin siyaasadeed.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dowladda hadda ay diiradda saartay Puntland, hase yeeshee uu rumeysan yahay in shacabka iyo maamulka Puntland ay si adag uga hortagi doonaan tallaabo kasta oo ay u arkaan mid wax u dhimaysa nabaddooda, xasilloonidooda iyo nidaamkooda dowladeed.

“Shacabka iyo Dowladda Puntland waxay si adag uga hortagi doonaan isku day kasta oo lagu waxyeelleynayo nabaddooda, xasilloonidooda iyo dowladnimadooda,” ayuu yiri Cabdifataax Maxamed Mukhtaar.

Cabdifataax Mukhtaar ayaa farriin u diray Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo sheegay in siyaasadda aysan ku dhisneyn awood iyo cadaadis oo keliya, balse ay u baahan tahay wada-hadal, xisaabtan iyo aragti fog.

Wuxuu ka digay in go’aanno hal dhinac ah ay yeelan karaan cawaaqib siyaasadeed oo mustaqbalka saameyn ku yeesha dalka.

Ilaa iyo hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha iyo hadallada kasoo baxay maamulka Jubbaland.

Hadalladan ayaa kusoo aadaya xilli uu weli taagan yahay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, kaas oo salka ku haya arrimo la xiriira nidaamka federaalka, dib-u-eegista dastuurka iyo awood-qeybsiga dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Trump oo markale ku hanjabey in uu si daran u weerari doono Iiraan

Fox News ayaa baahisay in Madaxweyne Donald Trump uu...

Mareykanka oo dib u habeyn Farsamo ku sameyay Liiska Cunaqabataynta iyo Xasan Daahir Aweys oo weli ku Jira

Waaxda Xakamaynta Hantida Shisheeye ee Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka (OFAC)...

MW Xasan Sheekh oo tagay dekedda Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tagay Dekedda...

DF oo si adag u cambaareysay weerarka lagu qaaday Masjidka Al-Aqsa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay duullaanka...

Dhalinyaro lagu xukumay Hindiya oo dalbaday in loo soo celiyo Soomaaliya

44 muwaadin oo Soomaali ah oo toddobaad ka hor...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles