MW Xasan Sheekh oo tagay dekedda Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tagay Dekedda magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu ugu kuurgalay horumarka ka socda kaabeyaasha dhaqaalaha ee dalka iyo qorshayaasha lagu casriyeynayo adeegyada dekedda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo indha indheeyay xarumaha kaydka Shidaalka dekedda, bakhaarada iyo dhismaha cusub ee xafiisyada maamulka dekedda, isaga oo xog ogaal u noqday dadaalada dib u habeynta iyo casriyeynta xarumaha muhiimka ah ee dowladda iyo kor u qaadista tayada adeegyada ay helaan shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa kormeerka kaddib, kulan muhiim ah la qaatay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda iyo Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, oo uu ka dhageystay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda guud ee dekedda, horumarka laga gaaray mashaariicda socda iyo qorshaha dhismaha Dekedda Cusub ee Muqdisho oo loogu talagalay in ay daboosha dhammaan baahida dakadeed ee caasimadda, islamarkaana kor loo qaaddo awoodda ay u leedahay la tacaalidda kororka ganacsiga iyo koboca dhaqaalaha dalka.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey in horumarinta dekedaha ay laf-dhabar u tahay kobaca dhaqaalaha dalka, kor u qaadista ganacsiga, abuurista fursado shaqo iyo xoojinta isku xirka dalka iyo suuqyada caalamka, waxa uuna kula dardaarmay masuuliyiinta Wasaaradda iyo maamulka Dekedda in ay laba jibaaraan dadaallada lagu horumarinayo adeegyada dekedda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ra’iisul Wasaare Abiy oo shaaciyay in la bilaabayo dhismaha dhuumaha shidaalka ee Jabuuti iyo Itoobiya

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku dhawaaqay in...

Farmaajo oo Xasan Sheekh ugu baaqay wada-hadal qaran iyo doorasho heshiis lagu yahay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna hoggaamiyaha Xisbiga Nabad iyo...

DFS oo ka hortimid hadalka Puntland ee madax-bannaanida

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, Cali Yuusuf...

Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Hirshabelle, Cali Guudlaawe oo lagu soo dhaweeyay magaalada Jowhar

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe)...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles