AFRICOM”Mareykanku Ma qorsheynayo Aqoonsiga Somaliland iyo Saldhig Ciidan oo uu ka dhisto Deegaannadeeda”

Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM), Jeneraal Dagvin Anderson, ayaa caddeeyay in Mareykanku uusan wax qorshe ah u lahayn inuu aqoonsado Somaliland ama uu saldhig ciidan ka sameysto deegaannada ay maamusho.
Jeneraal Anderson ayaa sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka ay weli ku dhisan tahay taageeridda madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Waxa uu sidoo kale xusay in xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Mareykanka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya uu sii socon doono, isla markaana aysan jirin wax isbeddel ah oo ku yimid mowqifka Washington ee ku aaddan Soomaaliya.
Hadalkan ayaa meesha ka saaraya warar iyo hadal-heyn muddooyinkii u dambeeyay la xiriiray suuragalnimada in Mareykanku aqoonsado Somaliland ama uu saldhig ciidan ka sameysto deegaannadeeda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles