Qatar oo sheegtay inaysan waxba ka ogeyn saddex duuliye oo u dhashay Iran: Afhayeenka ciidamada Iran

Afhayeenka ciidamada Iran, Amir Mohammad Akramian, ayaa sheegay in “Qatar ay sheeganayso inaysan waxba ka ogeyn saddexdii duuliye ee Iran u dhashay ee la waayay ka dib markii ay soo rideen nidaamyada difaaca cirka ee Qatar bishii Maarso ee sanadkan.”

Isagoo ka hadlayay barnaamij laga baahiyay telefishinka dowladda, ayuu Amir Mohammad Akramian yiri, “Baaritaankeenii weli wuu socdaa, balse Qatar waxay sheeganaysaa inay waxba ka ogeyn saddexdan duuliye,” sida ay ku warrantay BBC Persian.

Sida ay sheegeen warbaahinta Iran, 11-kii Maarso 2026, laba diyaaradood oo dagaal oo noocoodu yahay Sukhoi-24 kana tirsan Ciidanka Cirka ee Iran ayaa weeraray saldhigga cirka ee Al-Udeid ee dalka Qatar, balse waxaa soo riday nidaamyada difaaca cirka ee Qatar xilli ay ku soo laabanayeen dhanka Gacanka Carabta (Persian Gulf).

Sida ay wararku sheegayaan, meydka Major Majid Kazemi, oo ahaa duuliyihii mid ka mid ah diyaaradahaas, ayaa dhawaan dib loogu celiyay Iran, iyadoo aan weli la helin wax xog ah oo la hubo oo ku saabsan saddexda duuliye ee kale ee Iran u dhashay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles