Deni oo Boosaaso Kula Kulmaya Wafdi Sare oo Mareykan ah

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta u ambabaxaya magaalada Boosaaso, kaddib markii uu baajiyay khudbad uu xalay ka jeedin lahaa magaalada Garoowe oo ku saabsaneyd munaasabadda xuska 1-da Agoosto.

Sida ay sheegayaan wararka la helayo, Madaxweyne Deni ayaa Boosaaso kula kulmi doona wafdi ka socda Mareykanka oo uu hoggaaminayo Major General Claude K. Tudor Jr..

Kulanka ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, gaar ahaan sugidda amniga badaha, la-dagaallanka argagixisada iyo budhcad-badeedda, iyo iskaashiga labada dhinac ee arrimaha amniga gobolka.

Wafdiga Mareykanka ayaa sidoo kale shalay booqasho ku tagay Somaliland, halkaas oo ay kulan kula yeesheen Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Kulamadan xiriirka ah ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan wada-shaqeynta dhinaca amniga ee Mareykanka iyo maamullada kala duwan ee Soomaaliya, iyadoo gobolka uu wajahayo caqabado la xiriira amniga, argagixisada iyo amniga marin-biyoodka Gacanka Cadmeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles