Ammaanka Laascaanood oo la adkeeyay

R/wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta tagaya magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, iyadoona si weyn loo adkeeyay ammmaanka magaalada.

Ciidamada badan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Waqooyi Bari ayaa lagu daadiyay wadooyinka magaalada Laascaanood, kuwaasi oo sugaya amniga wafdiga R/wasaaraha Soomaaliya.

R/wasaaraha Soomaaliya ayaa Laascaanood u tagayo furista Talis cusub oo uu yeelanayo ciidamada xoogga dalka.

Sidoo kale waxaa uu la kulmi doonaa madaxda maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Wasaaradda Amniga ee maamulka Waqooyi Bari ayaa ku wargelisay shacabka ku nool magaalada Laascaanood In maanta ay magaalada soo gaari doonaan wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre.

War-saxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay ayaa shacabka loogu baaqay inay si nabad ah uga qayb qaataan soo dhoweynta wafdiga, isla markaana ay ilaaliyaan amniga, kala dambeynta iyo xasilloonida magaalada inta uu socdo booqashada.

Sidoo kale, shacabka ayaa lagu adkeeyay inay u hoggaansamaan awaamiirta hay’adaha amniga, la shaqeeyaan ciidamada amniga, isla markaana muujiyaan masuuliyad iyo wadajir si ay booqashadu ugu dhacdo jawi nabdoon.

Dhanka kale laamaha ammaanka ayaa mamnuucday in hub lagu dhex Sito gudaha magaalada Laascaanood inta uu wafdiga ku sugan yahay magaalada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles