Sunday, August 2, 2026

Puntland iyo Mareykanka oo kala saxiixday heshiis lagu ballaarinayo saldhiggeeda Boosaaso

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Magaalada Bosaaso shir kula yeeshay Wefdi ka socday Dowladda Mareykanka, gaar ahaan hawlgalka AFRICOM oo uu hogaaminayey Taliyaha hawlgalka gaarka ah ee AFRICOM Major Gen Claude Tudor.

Kulanka ayaa looga wada hadlay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Puntland iyo Mareykanka, gaar ahaan la dagaalanka Argagixisada iyo sugidda amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Sidoo kale Puntland iyo Mareykanka ayaa kala saxiixday heshiis lagu ballaarinayo iskaashiga labada dhinac.

Heshiiska ayaa Dowladda Mareykanka u ogolaanaya in ay ballaariso saldhiggeeda Magaalada Boosaaso si sare loogu qaado hawlgalada ka dhanka ah Argagixisada iyo suggidda amniga Badaha.

“Puntland waxaa ka go’an la dagaalanka Argagixisada iyo cadow kasta ee wax u dhimi kara amniga, xasiloonida iyo horumarka Puntland, kan Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Africa.” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay madaxtooyada Puntland.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Shan qof oo ku dhintay doon dab ka kacay dalka Indonesia

Shan qof ayaa dhintay, 41 kalena waa la la'yahay...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Taliyaha TURKSOM iyo saraakiil ciidan oo tagay Baydhabo

Hogaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Guddoomiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...

Askar ka tirsan Puntland oo ku geeriyooday qarax ka dhacay G/Bari

Wararka ka imanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in qarax...

RW Xamsa oo maanta gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafti...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles