Sunday, August 2, 2026

Guddoomiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa maanta si rasmi ah u magacaawday guddiga qabanqaabinaya doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddigan oo ka kooban 9 xubnood, ayaa loo xilsaaray diyaarinta iyo maamulka hannaanka doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka, iyagoo ka shaqeyn doona dhammaan howlaha farsamo iyo qabanqaabada la xiriira doorashada.

Magacaabista guddigan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu dardargelinayo doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka, kaddib markii kursigaasi uu bannaanaaday. Waxaa la filayaa in guddigu si dhow ula shaqeeyo xildhibaannada iyo maamulka Baarlamaanka si doorashadu ugu dhacdo si waafaqsan xeerarka iyo habraacyada Golaha Shacabka.

Doorashada Guddoomiyaha cusub ayaa la filayaa inay noqoto mid si weyn isha loogu hayo, maadaama ay door muhiim ah ku leedahay hoggaanka iyo howlaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ee muddo xileedkiisa dhamaaday.

Kursigan ayaa waxaa u sharaxan xubno badan, kuwa ay wadato Villa Soomaaliya iyo xubno mucaarad ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Shan qof oo ku dhintay doon dab ka kacay dalka Indonesia

Shan qof ayaa dhintay, 41 kalena waa la la'yahay...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Taliyaha TURKSOM iyo saraakiil ciidan oo tagay Baydhabo

Hogaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Puntland iyo Mareykanka oo kala saxiixday heshiis lagu ballaarinayo saldhiggeeda Boosaaso

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Magaalada Bosaaso shir...

Askar ka tirsan Puntland oo ku geeriyooday qarax ka dhacay G/Bari

Wararka ka imanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in qarax...

RW Xamsa oo maanta gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafti...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles