Shan qof ayaa dhintay, 41 kalena waa la la’yahay ka dib markii doon rakaab oo siday in ka badan 250 qof uu dab qabsaday iyadoo ku socota badda dalka Indonesia.
Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta gurmadka, kabtanka markabka ayaa soo sheegay dabka xilli ay marayeen meel u dhow jasiiradda Madura, iyagoo ka soo ambabaxay magaalada Surabaya ee gobolka East Java kuna sii jeeday Makassar oo ku taal Koonfurta Sulawesi.
Sawirro ay baahiyeen warbaahinta Indonesia ayaa muujinayay rakaab badan oo xiran jaakadaha badbaadada (life jackets) kuwaas oo ku sugnaa doonyaha badbaadada iyagoo sugaya caawimaad.
Muuqaallo kale ayaa muujinayay dad ka degaya markabka, iyadoo la arkayay olol xooggan iyo qiiq cufan oo ka baxaya qaybta sare ee markabka.
Hay’adda Qaranka ee Gurmadka Indonesia (Basarnas) ayaa sheegtay in dabku uu billowday inta u dhaxaysay saacadaha 12:00 iyo 1:00-kii habeenimo (waqtiga GMT).
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in qayb weyn oo ka mid ah markabka uu dabku qabsaday, iyadoo rakaab qaarkood ay ku sugnaayeen qaybta hore ee markabka iyagoo sugaya in la badbaadiyo.
Sababta keentay dabka weli lama oga, iyadoo hawlgalka lagu raadinayo dadka la la’yahay uu weli socdo.
Shan qof oo ku dhintay doon dab ka kacay dalka Indonesia
NAGU SOO BIIR


