Xildhibaanno ka Horyimid Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka

Qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga horyimid guddiga qabanqaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee ay magacaawday Guddoomiyaha KMG ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka, Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar.

War-saxaafadeed ay soo saareen xildhibaannadan ayay ku sheegeen in magacaabista guddigaasi aysan waafaqsanayn sharciga, iyagoo ku dooday in muddo-xileedkii Baarlamaankii 11-aad uu dhammaaday 14-kii Abriil 2026, halka muddo-xileedka xukuumadduna uu ku ekaaday 15-kii May 2026.

Xildhibaannadu waxay Sacdiyo Yaasiin ku eedeeyeen inay u dhaqmeyso sidii Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), iyagoo sheegay in guddiga ay magacawday uu ka tirsan yahay xisbigaas, isla markaana uusan dhexdhexaad ka ahayn doorashada Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka.

Waxay sidoo kale sheegeen in Baarlamaan iyo xukuumad ay ku tilmaameen kuwo muddo-xileedkoodu dhammaaday aysan sharci u lahayn magacaabista guddiyo doorasho, iyagoo ku baaqay in la joojiyo tallaabo kasta oo horseedi karta muran siyaasadeed iyo qalalaase cusub.

Ugu dambeyn, xildhibaannada ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed iyo saamileyda siyaasadda inay ka feejignaadaan tallaabooyinka ay ku tilmaameen kuwo dhaawacaya nidaamka dastuuriga ah iyo hay’adaha dowladda, iyagoo dalbaday in geeddi-socodka doorashada lagu saleeyo sharci iyo wadatashi.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles