Jubbaland oo war ka soo saartay kulankii Axmed Madoobe iyo Mareykanka

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta magaalada Kismaayo kula kulmay wafdi uu hogaaminayay xildhibaan Ronny Jackson, oo ka

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga laba geesoodka ah ee dagaalka lagula jiro argagixisada, iyo sidoo kale taageerada dowladda Maraykanka ee dhinacyada amniga, dhismaha hay’adaha dowlada, iyo arrimaha kale ee muhiimka u ah horumarka Jubaland, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Jubaland.

Mas’uuliyiinta heerka sare ah ee ka socday dowladda Maraykanka ayaa bogaadiyey dadaallada joogtada ah ee dowladda Jubaland ay sannado badan ku bixisay la-dagaallanka argagixisada. Waxay sidoo kale bogaadiyeen guulihii u dambeeyey ee ay gaareen Ciidamada Ammaanka Jubaland iyo Kumaandooska Danab qeybta Jubaland, oo iyagoo kaashanaya AFRICOM fuliyey hawlgallo wadajir ah oo lagu wiiqayo argagixisada.

Dowladda Jubaland waxay uga mahadcelisay dowladda Maraykanka taageerada joogtada ah ee ay mudada dheer u fidinaysay shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Axmed Madoobe waxaa kulanka ku weheliyey xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin, Xoghayaha Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka 11-aad ee Federaalka Soomaaliya, xildhibaan Mursal Maxamed Khaliif, Guddoomiyaha Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanka Soomaaliya iyo Maraykanka iyo xildhibaan Cabdirashiid Jire Qalinle, Wakiilka Jubaland ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles