Soomaaliya iyo Pakistan oo Kala Saxiixday Is-afgarad Ku Saabsan Iskaashiga Difaaca

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan ayaa maanta kala saxiixday Is-afgarad Iskaashi oo u dhexeeya labada Wasaaradood ee Gaashaandhigga, kaas oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta dhinacyada difaaca, amniga iyo horumarinta awoodaha ciidamada.

Is-afgaradkan waxaa magaalada Islamabad ku kala saxiixay Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho rasmi ah ku jooga Pakistan isaga oo hoggaaminaya wafdi, iyo Wasiirka Difaaca Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, Mudane Khawaja Muhammad Asif.

Is-afgaradkan ayaa dhigaya in labada dhinac ay iska kaashadaan la-dagaallanka argagixisada, tababarrada ciidamada, is-weydaarsiga khibradaha iyo aqoonta milatari, kobcinta awoodaha difaaca, iyo xoojinta wada-shaqeynta amniga, si loo taageero dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida.

WARARKII KALE

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

Maraykanka oo Eritrea ka qaaday Cunaqabateyntii saarneed

Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in cunaqabatayntii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles