Wednesday, August 5, 2026

Puntland oo DF ku eedeysay daabulista ciidamo iyo hub, kana digtay xiisadda Gaalkacyo

Maamulka Puntland  ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku eedeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ciidamo iyo hub u dirtay deegaannada ay maamusho, gaar ahaan waqooyiga magaalada Gaalkacyo, iyadoo sheegtay in tallaabooyinkaasi ay halis ku yihiin amniga iyo xasilloonida gobolka Mudug. 

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in hub la sheegay in laga soo gudbinayay dhinaca Galmudug ee magaalada Gaalkacyo la hakiyay, arrintaas oo Puntland ay sheegtay inay dhalisay iska horimaad sababay khasaarooyin, inkastoo aan la shaacin tirada rasmiga ah ee khasaaraha.

Puntland waxay sidoo kale sheegtay in ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ay saldhig ka sameysteen magaalada Gaalkacyo iyada oo aan lagala tashan maamulka Puntland. Waxay ku doodday in arrintaasi ay ka hor imaaneyso heshiisyo hore oo la xiriiray wadaagga amniga iyo maamulka gobolka Mudug, isla markaana ay abuuri karto xiisado amni oo hor leh.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, Puntland waxay la xiriirtay maamulka Galmudug iyo hay’adaha amniga, iyadoo ka codsatay in ciidamada Dowladda Federaalka laga saaro goobaha ay ku sugan yihiin si looga hortago, sida ay sheegtay, xaalad amni oo sii xumaan karta.

Puntland waxay sidoo kale bogaadisay maamulka Galmudug, ciidamada iyo shacabka ay sheegtay inay ka hortageen isku dayo lagu qalqalgelinayo amniga gobolka Mudug, iyadoo xustay in labada maamul ay leeyihiin xiriir derisnimo, wada noolaansho iyo iskaashi soo jireen ah oo muhiim u ah ilaalinta nabadda.

War-saxaafadeedka ayaa eedeyn toos ah u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo Puntland ku eedeysay inuu hurinayo colaado ka dhaca gobolka Mudug, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo. Waxay intaas ku dartay inay Madaxweynaha dusha ka saareyso mas’uuliyadda wixii amni darro ah ee ka dhasha xaaladda taagan.

Sidoo kale, Puntland ayaa sheegtay in hubkii maanta laga soo dejiyay koonfurta magaalada Gaalkacyo loo waday dhinaca ay maamusho, isla markaana ay qaar ka mid ah hubkaasi la wareegeen shacabka iyo maamulka Galmudug.

Gabagabadii, Puntland waxay ugu baaqday shacabka deegaannadeeda inay feejignaadaan, iyadoo ku eedeysay Dowladda Federaalka inay faragelin amni ka waddo deegaannada ay maamusho.

Waxay sidoo kale Beesha Caalamka ugu baaqday inay la socdaan xaaladda, iyadoo ku andacootay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu mas’uul ka noqon doono wixii amni darro ah ee ka dhasha xiisadda ka taagan gobolka Mudug.

Ilaa iyo hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya si rasmi ah ugama aysan jawaabin eedeymaha ay Puntland ku sheegtay war-saxaafadeedkeeda.

WARARKII KALE

Sheekh Shariif “Xasan Sheekh ayaa si toos ah mas’uul uga ah rabshadaha Gaalkacyo”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

Puntland oo shaacisay Natiijada Hawlgalkii Gaalkacyo, Boqolaal askari iyo Saraakiil la qabtay

Ciidanka Difaaca Puntland ayaa sheegay inay si guul leh...

Xasan Sheekh iyo Taliyaha Ciidanka Jabuuti oo Adkeeyay Iskaashiga Amniga iyo Difaaca

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku...

Jubbaland oo War Ka soo saartay dagaalkii Gaalkacyo

Maamulka Jubbaland ayaa si adag uga hadlay dagaalkii maanta...

Soomaaliya iyo Pakistan oo Adkeynaya Xiriirka iyo Iskaashiga laba Geesoodka ah

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Pakistan ayaa dib u...

Ciidanka Amniga Puntland oo war ka soo saaray dagaalkii ka dhacay Gaalkacyo

Ciidanka Amniga Puntland ayaa maanta hawlgal amni ka bilaabay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles