Maamulka Jubbaland ayaa si adag uga hadlay dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, iyadoo ku eedeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay hurinayso colaado ka dhaca deegaannada Puntland, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.
War-saxaafadeed ay soo saartay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in ay nasiib-darro tahay in Ciidanka Xoogga Dalka iyo hub loo adeegsado dagaallo ka dhaca deegaanno nabdoon, halkii awooddaasi loo adeegsan lahaa la-dagaallanka Al-Shabaab ee ka socda gobollada dalka.
Jubbaland waxay sheegtay in tallaabooyinka noocaas ah ay khatar ku yihiin nabadda, xasilloonida iyo wada noolaanshaha bulshada, isla markaana ay dib u dhigayaan dadaalladii mudada dheer lagu soo celinayay amniga iyo horumarka magaalada Gaalkacyo.
Sidoo kale, maamulka Jubbaland ayaa bogaadiyay dowladda iyo shacabka Puntland, isagoo sheegay inay garab taagan yihiin dadaallada lagu ilaalinayo amniga iyo xasilloonida deegaannada Puntland.
War-saxaafadeedka ayaa ku soo beegmaya xilli maanta ay magaalada Gaalkacyo ka dhaceen hawlgallo amni iyo iska horimaadyo, kuwaas oo sare u qaaday xiisadda siyaasadeed iyo amni ee u dhexeysa Dowladda Federaalka iyo Puntland.


