Xasan Sheekh iyo Taliyaha Ciidanka Jabuuti oo Adkeeyay Iskaashiga Amniga iyo Difaaca

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Jeneraal Sakaria Sheekh Ibrahim, iyo wafdi saraakiil sare ah oo uu hoggaaminayay.

Wafdiga Jabuuti ayaa Muqdisho u yimid ka qaybgalka Shirka Taliyeyaasha Ciidamada ee dalalka ka qaybta ah Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo looga hadlayo xoojinta iskaashiga amniga, isku-dubbaridka hawlgallada iyo dardargelinta dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Taliyaha Ciidanka Jabuuti ayaa lagu adkeeyay xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga difaaca ee u dhexeeya labada dal. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Jabuuti kaalinta ay ka qaadanayaan taageerada amniga Soomaaliya, la dagaallanka argagixisada iyo dib u dhiska hay’adaha amniga dalka.

Kulankan ayaa imanaya iyadoo ay Muqdisho ka socdaan kulammo amni oo ay yeelanayaan hoggaamiyeyaasha ciidamada dalalka ciidamada ku leh howlgalka AUSSOM, kuwaas oo looga gol leeyahay sare u qaadidda wada-shaqeynta amniga gobolka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Fiqi oo kulan la yeeshay saraakiil ciidan iyo Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Aadan Madoobe oo la shiray saraakiisha ciidamada Qeybta 60-aad

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Golaha Mustaqbalka oo Dalabyo Caalami ah u Gudbiyay Beesha Caalamka iyo Q.M

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka ah...

ICG oo digniin culus ka soo saartay kala guurka Amni ee ku soo socda Soomaaliya iyo halista AUSSOM

Warbixin cusub oo ay soo saartay International Crisis Group...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la qaatay Cali Guudlaawe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles