Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa si kulul uga hadlay xaaladda amni ee magaalada Gaalkacyo, isagoo ku eedeeyay Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, inuu mas’uul ka yahay xiisadaha siyaasadeed iyo rabshadaha hubeysan ee ka taagan qaybo ka mid ah dalka.
War-saxaafadeed uu soo saaray Sheekh Shariif ayuu ku sheegay inuu cambaareynayo waxa uu ku tilmaamay “xilkasnimo darrada” Madaxweynaha, isaga oo sheegay in Xasan Sheekh uu si toos ah u qaadayo mas’uuliyadda khilaafaadka siyaasadeed iyo colaadaha ka socda dalka, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.
Sheekh Shariif ayaa sidoo kale tacsi u diray ehellada iyo qoysaska ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay hawlgalkii amni ee maanta ka dhacay Gaalkacyo, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay muujiyaan deganaansho kana fogaadaan tallaabo kasta oo sii hurin karta colaadda.
Madaxweynihii hore ayaa ku baaqay in dowladda federaalku xoogga saarto la dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish, halkii ay ku mashquuli lahayd khilaafaad siyaasadeed oo gudaha ah.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay inuu dib ugu laabto waddada wada-hadalka, dib-u-heshiisiinta, xasilloonida siyaasadeed iyo ilaalinta midnimada dalka.


