Uganda oo ciidamadiisa geynaya Gaza

Golaha Baarlamaanka Uganda ayaa ansixiyay soo jeedinta dowladda ee oggolaanaysa in ciidamo Uganda ah loo diro Marinka Gaza, kadib codsi uu Maraykanku soo gudbiyay oo hoos imanaya qorshaha Board of Peace ee uu hoggaaminayo Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump.

Soo jeedintan waxaa Baarlamaanka hor geeyay Wasiirka Difaaca Uganda, Kiryowa Kiwanuka, kaas oo u sheegay xildhibaannada in Ciidanka Difaaca Dadka Uganda (UPDF) ay leeyihiin waayo-aragnimo iyo awood ay kaga qayb qaadan karaan hawlgallada caalamiga ah ee nabad ilaalinta.

Go’aankan wuxuu muujinayaa in Uganda ay diyaar u tahay inay ciidamadeeda ku biiriso ciidan caalami ah oo nabad ilaalin ka sameeya Marinka Gaza.

Bishii Luulyo, wargeyska dowladda ee New Vision, isagoo soo xiganaya ilo ciidan, ayaa sheegay in Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, uu ka codsaday Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, inuu bixiyo taageero ciidan oo loo marayo qorshaha Board of Peace, kaas oo ujeeddadiisu tahay, in la dhiso ciidan caalami ah oo gacan ka geysta sugidda amniga Marinka Gaza.

Markii uu soo jeedinayay qodobkan Baarlamaanka, Kiwanuka wuxuu sheegay in dirista ciidamadaasi ay waafaqsan tahay qaab-dhismeedka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kadib wadahadallo diblomaasiyadeed oo dhex maray Trump iyo Museveni.

Wuxuu intaas ku daray in ciidamada Uganda ay u hawlgeli doonaan, si waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo heerarka bani’aadannimada.

“Uganda waxay leedahay ciidan xooggan oo leh hannaan hoggaamineed oo wanaagsan, taas oo u suuragelisay inay si guul leh uga qayb qaataan hawlgallada nabad ilaalinta ee Soomaaliya, Koonfurta Suudaan, Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika (CAR), iyo sidoo kale howlgallo kala duwan oo ay Qaramada Midoobay hoggaamiso,” ayuu yiri Kiwanuka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles