Friday, August 7, 2026

Trump oo saxiixay labo amar oo waaweyn oo saameyn kara dad Soomaalidu ku jirto

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa mar kale isku dayayaa inuu yareeyo xuquuqda dhalashada ku salaysan ee Maraykanka, toddobaadyo uun ka dib markii Maxkamadda Sare ee Maraykanka ay diidday isku daygiisii hore ee lagu baabi’inayay xuquuqdan.

Madaxweynaha ayaa Khamiistii saxiixay laba amar oo fulineed, kuwaas oo midkood ballaarinaya qeexitaannada dadka aan muwaadiniinta ahayn ee carruurtoodu aanay xaq u yeelan doonin dhalashada Maraykanka hadii ay ku dhashaan dalkaas.

Amarka labaadna wuxuu mamnuucayaa waxa loo yaqaan “dalxiiska dhalmada” oo ah marka haweenka uurka leh ay u safraan Maraykanka si ay halkaas ugu dhalaan carruurtooda, si ilmuhu u helo dhalashada Maraykanka.

Trump ayaa ka sheegay Xafiiska Oval-ka:

“Tani waxay ahayd inay dhacdo sannado ka hor, laakiin hadda ayaan hirgelinaynaa.”

Wuxuu sidoo kale dhaliilay go’aankii Maxkamadda Sare ee lagu diiday isku daygiisii hore ee lagu soo afjarayay siyaasaddan jirtay ku dhowaad 150 sano.

Amarka fulinta ee ugu horreeya ayaa lagu yiri:

“Maamulkaygu wuxuu ka hortagay khataraha ay keenaan shakhsiyaad iyo kooxo shisheeye, kuwaas oo isku daya inay khiyaaneeyaan muwaadiniinta Maraykanka iyagoo ka faa’iidaysanaya deeqsinimada dalkeenna.”

Amarkan wuxuu mamnuucayaa in si toos ah dhalashada Maraykanka loo siiyo carruurta ku dhalata gudaha Maraykanka, haddii labadooda waalid aysan ahayn muwaadiniin Maraykan ah, isla markaana mid ka mid ah waalidiinta uu yahay: xubin ka tirsan koox argagixiso oo shisheeye, shaqaale u shaqeeya dowlad shisheeye, qof isku dayay inuu ku helo dhalashada Maraykanka khiyaano ama been-abuur, ama qof ku nool dhulalka Maraykanku maamulo ee aan sharci federaali ahi siin dhalasho toos ah.

Dhalashada dadka ku dhasha dhulalka Maraykanka sida Puerto Rico, waxaa si cad u dammaanad qaadaya sharci federaal ah.

Trump iyo xubnaha maamulkiisa ayaa marar badan cambaareeyay dalxiiska xiliga ay dhowdahay dhalmada, iyagoo ku eedeeyay waddamo ay ka mid yihiin Ruushka iyo Shiinaha inay ka faa’iidaystaan nidaamka dhalashada ku salaysan, si ay dad ugu dhex geliyaan Maraykanka.

Amaraddan oo uu Khamiistii kaga dhawaaqayay Xafiiska Oval-ka, Trump wuxuu sheegay in boqolaal kun oo carruur ah ay ku dhasheen Maraykanka iyada oo loo marayo waxa loo yaqaan dalxiiska dhalmada (birth tourism).

WARARKII KALE

Maxkamad Maraykankan ah oo amartay in la joojiyo dhisme maamulka Trump ka dhisayey Aqalka Cad

Maxkamad federaal oo racfaan oo ku taalla Maraykanka ayaa...

Soomaaliya oo soo dhawaysay heshiiska ay kala saxiixdeen Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay heshiiska difaac...

Xiriirka kubada cagta Norway oo soo saaray baaq ku socda madaxweynaha FIFA

Kubadda cagta caalamka ayaa sii kala qaybsamaysa, iyadoo ay...

Saddex dal oo muslim ah oo gaaray heshiis difaac oo weyn

Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan ayaa kala saxiixday heshiis...

Arday 14 sano jir ah oo toogasho ku laayay dad ay kamid yihiin ayeeydiis iyo awoowgiis

Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha ee Thailand, Polapee Suwanchawee, ayaa...

Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in mashaariic horumarned ka hirgelinayso magaalada Hargeysa

Wasiirka Howlaha Guud, Dib U Dhiska iyo Guriyeynta ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles