Madaxweyne Xasan oo la kulmay Taliye ku xigeenka ciidamada Uganda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Difaaca Jamhuuriyadda Yugaandha, General Sam Okiding, oo Muqdisho u yimid ka qaybgalka Shirka Taliyeyaasha Ciidamada ee dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Kulankan ayaa qayb ka ahaa kulamada uu Madaxweynaha Jamhuuriyaddu la qaadanayo madaxda ciidamada ee ka qaybgalaya shirka, kuwaasi oo diiradda lagu saarayo xoojinta iskaashiga amniga, dardargelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo tayeynta wada-shaqeynta dalalka saaxiibka ah ee taageera amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Yugaandha kaalinta muuqata ee ay ka qaadanayaan dib u dhiska hay’adaha amniga iyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, isaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee labada dal.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles