Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in mashaariic horumarned ka hirgelinayso magaalada Hargeysa

Wasiirka Howlaha Guud, Dib U Dhiska iyo Guriyeynta ee dowlada Soomaaliya Ayuub Ismaaciil ayaa sheegay in mashaariic hormarineed ay Dowladda Federaalka ay ka fulineyso magaalada Hargeysa.
Ayuub Ismaacil ayaa shirka jaraa’id ee uu qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay ka dhiseyso wadooyin iyo Buundo magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka la magac baxay Somaliland.

Wasiirka Howlaha Guud ee dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in magaalada Hargeysa ay ka hirgelinayaan waddo dhererkeedu yahay 45km iyo dhismaha buundo ayna ku baxayso lacag gaareysa labaatan malyan oo dollar.

“Magaalada Hargeysa waxaan ka hirgelinaynaa Waddo 45 km wajigeeda koowaadna uu yahay 23 km caasimada hargeysa ama Somaliland iyo dhismaha Buundada Boqol Jire, tana waxay qeyb ka tahay howlaah aan ka wadno dowlad goboleedyada ee ah horumarinta magaalooyinka .”

Wasiirka ayaa sheegay in mashruucan uu yahay NAGAAD ayna qeyb ka yihiin UNOPS iyo Bangiga Adduunka ayna tahay mid ku baxaysa lacag gaareysa 245 Malyan oo dollar.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in mashaariic kale oo ah horumarinta wadooyinka ay sidoo kale ka hirgelinayaan dowlad goboleedyada Jubbaland, Koofurgalbeed, Hirshabelle,Puntland ayna haatan ka bilaabayaan Somaliland.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles