Saddex dal oo muslim ah oo gaaray heshiis difaac oo weyn

Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan ayaa kala saxiixday heshiis wadajir ah oo dhinaca difaaca ah, iyadoo arrintan ay ku soo beegantay dagaalka u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan ayaa sheegtay in weerar lagu qaado mid ka mid ah saddexda dal “loo aqoonsan doono inuu yahay weerar lagu qaaday dhammaantood.”

Heshiiskan ayaa lagu dhawaaqay kadib kulan ka dhacay magaalada Jeddah ee Sacuudi Carabiya, kaas oo ay ka qeybgaleen Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Amiir Maxamed bin Salmaan, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, iyo Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif.

Saddexdan dal ayaa muddooyinkii dambe dadaal ugu jiray xoojinta iskaashiga dhinaca amniga, iyadoo colaadda gobolka ay saameysay Sacuudi Carabiya isla markaana ay carqaladeysay isu socodka maraakiibta ee marin-biyoodka Hormuz iyo Badda Cas.

Sacuudi Carabiya iyo Pakistan ayaa sannadkii hore sidoo kale ku dhawaaqay heshiis wadajir ah oo dhinaca difaaca ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles