Maxkamad Maraykankan ah oo amartay in la joojiyo dhisme maamulka Trump ka dhisayey Aqalka Cad

Maxkamad federaal oo racfaan oo ku taalla Maraykanka ayaa amartay maamulka Madaxweyne Donald Trump inuu joojiyo dhismaha hool weyn oo munaasabadaha lagu qabto, kaas oo qiimihiisu ku kacayo 400 milyan oo doollar, lagana dhisayo goobtii uu ka dumiyey garabka Bari ee Aqalka Cad.

Go’aan ay cod aqlabiyad ah oo laba iyo hal ah ku gaareen garsoorayaasha ayaa lagu sheegay in maamulka looga baahan yahay inuu marka hore oggolaansho ka helo Kongareeska ka hor inta aan mashruuca la sii wadin.

Garsoorayaashu waxay la safteen ururka National Trust for Historic Preservation, kaas oo dacwad u gudbiyay maxkamadda si loo joojiyo dhismaha, kadib markii la dumiyey qaybta East Wing ee Aqalka Cad.

Go’aankan ayaa loo arkaa dib u dhac weyn oo ku yimid kiis lagu tijaabinayo awoodaha dastuuriga ah ee Madaxweyne Trump.

Maamulka Trump ayaa weli fursad u haysta inuu racfaan u qaato Maxkamadda Sare ee Maraykanka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles