Saturday, August 8, 2026

Fahad Yaasiin oo ka falceliyay heshiiska Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan

Taliyihii hore ee Nabad Sugidda Soomaaliya Fahad Yaasin oo qoraal ku daabacay bartiisa Facebook, ayaa heshiiskan ku tilmaamay mid mid taariikhi ah isla markaana Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka ka faa’iidaya. 

“Heshiiska wadajirka ah ee difaaca ee u dhexeeya Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan wuxuu ka dhigan yahay tallaabo taariikhi ah iyo go’aan istiraatiiji ah oo ilaalinaya danaha dalalka ku teedsan Badda Cas iyo Badweynta Hindiya,” ayuu ku yiri qoraalkiisa Fahad Yaasin.

Wuxuu intaas ku daray: “Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka ka faa’iideysanaya heshiiskan, maadaama uu amniga qarankeeda siinayo taageero xooggan oo uga imanaysa dalalka Carabta iyo kuwa Muslimka ah ee ay xiriirka dhow la leedahay,”.

Isagoo qoraalkiisa sii wata ayuu yiri:

“Heshiiskani wuxuu xambaarsan yahay macne taariikhi ah iyo mid ilbaxnimo. Isbahaysiga iyo iskaashiga quwadaha waaweyn ee Muslimiinta xilligan adag waxay fariin cad u dirayaan dhammaan dhinacyada isku dayaya inay farageliyaan ama khalkhal geliyaan amniga istiraatiijiga ah ee saddexda dal iyo joogitaankooda gobolka,”.

WARARKII KALE

Ciidamo cusub oo ka mid noqonaya Gorgor oo tababar loogu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Sahal...

NISA oo Muqdisho ku qabatay xubno ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa gacanta...

Booliska Soomaaliland oo war ka soo saaray qaraxii ka dhacay Hargeysa

Xalay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, waxaa ka dhacay...

Xuutiyiinta Yemen oo qaaday weerar dhimasho badan sababay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu dilay gobolka Marib...

Iran oo ku baaqday in dalalka Muslimiintu midoobaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Cabbaas Caraqji, ayaa sheegay in...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles