Sunday, August 9, 2026

Pakistaan oo War ka soo saartay halka ay marayo sii deynta shaqaale lagu haysto Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan ayaa sheegtay in ay socdaan dadaallo xooggan oo lagu doonayo in lagu sii daayo shaqaale Pakistani iyo ajaanib ah oo muddo gacanta ugu jira burcad-badeed Soomaali ah, kuwaas oo saaran markabka Honor 25.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan, Tahir Hussain Andrabi, ayaa sheegay in xaaladda shaqaalaha markabka ay tahay mid aad looga walaacsan yahay, isagoo xusay in dowladda Pakistan aysan weli xaqiijin in shaqaalaha la sii daayay ama ay xaalad wanaagsan ku sugan yihiin.

Andrabi ayaa sheegay in dowladda Pakistan ay waddo dadaallo ay ku lug leeyihiin wasaarado iyo hay’ado kala duwan, kuwaas oo si joogto ah ula socda xaaladda shaqaalaha la haysto iyo sidii xal looga gaari lahaa arrintooda.

Wuxuu tilmaamay in mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn uu yahay goobta lagu hayo shaqaalaha, taas oo uu sheegay inay ku taallo deegaan iskiis isu maamula oo ka tirsan Soomaaliya, arrintaasna ay adkeynayso dadaallada lagu doonayo in shaqaalaha si ammaan ah lagu soo furto.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in wadahadallada lala yeelanayo burcad-badeedda ay yihiin caqabad kale, isagoo xusay in xaaladda ay sii murjisay qaab-dhismeedka qabaa’ilka Soomaaliya iyo saameynta ay leeyihiin qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Pakistan ayaa sheegtay inay weli rajo ka qabto in horumar laga sameeyo dadaallada lagu sii deynayo shaqaalaha, iyadoo Islamabad ay xiriir joogto ah la leedahay dowladda Soomaaliya, maamulka deegaanka iyo hay’adaha caalamiga ah.

Dowladda Pakistan ayaa sidoo kale sheegtay inay si buuxda u fahamsan tahay walaaca iyo xanuunka ay qabaan qoysaska shaqaalaha la haysto, iyadoo xaqiijisay in dadaallada lagu doonayo soo celintooda ay weli socdaan.

Wasaarada Arrimaha Dibadda Pakistan ayaa ugu dambeyn sheegtay in hay’adaha ay khuseyso ay si dhow ula socdaan xaaladda, isla markaana ay iska kaashanayaan dowladda Soomaaliya iyo dhinacyada caalamiga ah sidii loo heli lahaa xal ammaan ah oo lagu soo furayo shaqaalaha markabka Honor 25.

WARARKII KALE

Wasiir Fiqi oo la kulmay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan...

Cumaan oo sheegtay in wadahadallada ku saabsan Hormuz ay meel fiican marayaan

Cumaan ayaa sheegtay in wadahadallo wanaagsan ay la yeelanayeen...

Deni oo la kulmay saraakiisha Ciidamada Puntland

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada...

Beesha Caalamka oo la sheegay in ay soo Gabagabeysay Wadatashiyada ku saabsan Doorashada Soomaaliya

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in daneeyayaasha beesha caalamka...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Imaaraadka oo sheegay in Iran gantaal ku dhufatay markab ay lahaayeen

Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa Sabtidii ku dhawaaqay in markab...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles