Monday, August 10, 2026

RW Xamsa oo hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ee BFS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo ku guuleystay in uu sii hoggaamiyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. 

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa guddoomiyaha cusub ugu hambalyeeyay kalsoonida ay Xildhibaannada Golaha Shacabka u muujiyeen, isaga oo u rajeeyay in uu si hufan oo xilkasnimo leh u guto waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday, isla markaana uu hormuud ka noqdo dadaallada lagu xoojinayo shaqada iyo doorka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xamsa Cabdi Barre, ayaa xusay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta iyo isku-duubnida dhow ee ka dhexaysa hay’adaha dowladda gaar ahaan Xukuumadda iyo Barlamaanka, taasi oo mudnaan gaar ah siinaysa dardargelinta qorshayaasha Qaranka,

WARARKII KALE

Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta loo doortay...

Ciidamada Itoobiya oo ka baxay Buurhakaba

Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika...

Laftagareen oo Nairobi kula kulmay Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland

Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan...

Xildhibaanada Baarlamaanka oo Maanta Dooranaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Deni oo shaaciyay inuusan u tartami doonaan xilka madaxtinimada Puntland

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay magaalada Gaalkacyo...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 08 2026.

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles