Madaxweynaha maamulka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa kulan la qaatay Safiirka Dowladda Jarmalka u fadhiya Soomaaliya, Kenya iyo Seychelles, Sebastian Groth.
Kulanka ayaa lagaga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, arrimaha amniga iyo siyaasadda, iyo taageerada Dowladda Jarmalka ee dhinacyada kala duwan, gaar ahaan horumarinta, xasilloonida iyo adeegyada bulshada.
Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli Madaxweyne Axmed Madoobe uu magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka wado kulamo siyaasadeed oo xiriir ah, kuwaas oo uu la yeelanayo safiiro iyo wakiillo ka socda beesha caalamka.
Dhawaan sidoo kale, Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay Safiirka Dowladda Faransiiska u qaabilsan Soomaaliya iyo Kenya, Danjire Arnaud Suquet.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga, la dagaallanka argagixisada, xaaladda guud ee Soomaaliya iyo arrimaha kale ee muhiimka u ah xoojinta dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida.
Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay horumarinta adeegyada bulshada, arrimaha bini’aadantinimada iyo muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo taageerada caalamiga ah ee lagu xoojinayo amniga iyo horumarka.
Kulamadan is-daba jooga ah ee Axmed Madoobe uu ka wado Nairobi ayaa kusoo aadaya xilli ay Soomaaliya ka jiraan xaalado siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, iyadoo aan weli si cad loo shaacin ajandaha guud ee kulamada uu la yeelanayo wakiillada dowladaha shisheeye.
Nairobi ayaa xilligan u muuqata meel uu Axmed Madoobe ka wado wadatashiyo iyo kulamo siyaasadeed oo muhiim ah, waxaana la sugayaa waxa kasoo baxa kulamadan iyo fariimaha siyaasadeed ee uu u gudbinayo beesha caalamka.


