War kooban oo kasoo baxay Taliska Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa lagu sheegay in xalay duqeyn culus laga fuliyay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Duqeynta ayaa lagu sheegay in lala beegsaday guri ay ku sugnaayeen horjoogayaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo sida NISA sheegtay muddooyinkii dambe abaabul iyo dagaallo ka waday gobolka.
NISA ayaa sheegtay in howlgalka ay iska kaashadeen ciidamada Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo saaxiibada caalamka, iyadoo lagu tilmaamay duqeynta mid jab xooggan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.
Hay’adda NISA weli ma shaacin magacyada xubnihii lagu bartilmaameedsaday duqeynta iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay howlgalka.
Si kastaba, NISA ayaa sheegtay in faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan natiijada howlgalka iyo khasaaraha la shaacin doono saacadaha soo socda.


