Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa yeeshay kalfadhiga 8-aad, kulankiisa labaad, waxaana Shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 141-Xildhibaan ayaa Xildhibaanada waxa ay ugu horreyn u codeeyeen xubin ka banaaneyd guddiga madaxa banaan ee Xuquuqul Insaanka oo ay soo gudbisay wasaaradda Qoyska iyo Horrumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Intaasi ka dib, Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo u codeeyey Maxamed Xasan Nuur oo ay wasaararda Qoyska iyo Horrumarinta Xuquuqul Insaanka usoo xushay inuu buuxiyo xubintii ka banaaneyd guddiga madaxa banaan ee Xuquuqul Insaanka ayaa waxaa ogolaatay 141-Xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa diiday, wax ka aamusayna ma jirin, sida uu sheegay Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo kulanka shir guddoominayey.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo kulanka soo xiray ayaa u mahadceliyey Xildhibaanada Golaha, wuxuuna kula dardaarmay in ay xooga saaraan sidii uu goluhu uga shaqeyn lahaayeen shuruucda muhiimka ah ee golaha hortaala kalfadhiga sideedaad.
Dhinaca kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa loo qeybiyey Hindise Sharciyeedka Sharciga Dhismaha Hay’adda Dakhliga Qaranka, Hindise Sharciyeedka wax ka bedelka Sharciga Bankiga Dhexe ee Soomaaliya sharci LR 130 ee soo baxay 20-kii April-2012 iyo Borotokoolada kaabaya afarta Axdi ee Geneva 1949-kii


