Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu oggol yahay in kulan saddex geesood ah uu la yeesho madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, iyo madaxweynaha Shiinaha, si looga wada hadlo hubka nukliyeerka, balse waxa uu caddeeyay in dagaalka Ukraine uusan noqon doonin qodobka ugu weyn ee kulanka.
Arrintan ayaa timid kaddib markii warbaahinta Mareykanka ay sheegtay in Putin uu soo jeediyay kulan ay saddexda hoggaamiye kaga arrinsanayaan mustaqbalka dagaalka Ukraine.
Trump ayaa sheegay in mowqifka Ruushka ee ku aaddan Ukraine uu yahay mid “la aqbali karo”.
Warbixin uu daabacay wargeyska The Wall Street Journal oo ku saabsan soo jeedinta Putin ayaa walaac ka abuurtay dalalka Yurub, waxaana cambaareeyay dowladda Ukraine.
Trump ayaa sidoo kale mar kale dhaliilay madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, isaga oo sheegay in laga yaabo inay tahay waqtigii qof kale uu wadaxaajoodka ugu matali lahaa Kyiv.


