Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan tallaabooyin dastuuri ah iyo kuwo siyaasadeed oo ay kaga hortagayaan go’aannada doorasho ee ay ku tilmaameen kuwo hal dhinac ah, kuwaas oo ay sheegayaan in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku doonayso inay ku maamusho hannaanka doorashooyinka dalka.
Golaha ayaa sheegay in tallaabooyinkooda ay ujeeddadoodu tahay in la helo hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay, isla markaana ay dhinacyada siyaasadeed si wadajir ah uga qayb qaataan dejinta jadwalka iyo qaabka doorashooyinka.
GMS ayaa si cad uga horyimid jadwalka doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Madaxtooyada dalka, kaas oo ay sheegtay in lagu dhawaaqay iyada oo aan la helin heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, isla markaana aan la dhammaystirin hannaan ay dhammaan dhinacyadu ku wada qanacsan yihiin.
Golaha ayaa sidoo kale dowladda Federaalka ku eedeeyay in go’aannada doorasho ee ay qaadatay ay abuuri karaan xiisado siyaasadeed iyo colaado hubeysan oo ka dhaca dowlad-goboleedyada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.
Waxa uu Golaha Mustaqbalka ka digay in khilaafka siyaasadeed uu sababi karo in dalka ay ka hirgalaan hannaano doorasho oo is barbar socda, isaga oo sheegay in mas’uuliyadda ka dhalata kala qaybsanaantaas ay dusha u saaran doonto Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhinacyada taageera go’aannadiisa.
Dhanka kale, Golaha ayaa xusay in Soomaaliya ay wajahayso caqabado amni iyo kuwo bani’aadannimo, oo ay ka mid yihiin weerarrada maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo kooxda Daacish, xaaladaha ka dhasha cimilada El Niño, abaaraha iyo loollanka sii xoogeysanaya ee gobolka.


