Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday natiijo toddobaadyo la sugayey

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka Bulshada ee dowladda Federalka Soomaaliya ayaa soo saartay warbixin ku saabsan kiis ku saabsanaa qof loo karantiilay xanuunka Ebola. Warsaxaafadeedka wasaaraddu soo saartay ayaa lagu sheegay in “iyadoo daba socota war-saxaafadeedkii ay soo saartay 12 Oktoobar 2026, waxay shacabka Soomaaliyeed la wadaagaysaa warbixintii ugu dambeysay ee ku saabsan muwaadinkii Soomaaliyeed ee la karantilay, kaddib markii la ogaaday inuu xirir toos ah la yeshay qof qabay cudurka Ebola oo ku geriyooday dalka Kenya 5 Oktoobar 2026” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Wasaaraddu waxay sheeegtay in 12 bishan October ay ku guuleysatay in si ‘badqab iyo sharaf leh loo karantiilo muwaadinka, iyadoo la geeyay Xarunta Karantiilka iyo Daaweynta Cudurka Ebola ee Isbitaalka Forlanini,”

Waxaa intaas lagu daray in qofka la marsiiyey laba baaritaan oo cudurka Ebola ah. Baaritanka kowaad ayaa lagu sameeyey gudaha Soomaliya halka kan labaadna loo diray dibadda.

Wasaaraddu waxay sheegtay in labada baaritaanba ay muujiyeen in muwaadinka laga waayay fayraska ‘Negative’

Warka ayaa intaa ku sii daray in Intii uu muwaadinku ku jiray karantiilka, uusan muujin wax calaamado ah oo la xiriira cudurka Ebola. Waxaa sidoo kale la dhammaystiray muddadii 21-ka.

“Wasaaradda Caafimaadka, iyadoo tixgelinaysa natiijooyinka labada baaritaan, dhammaystirka muddada dabagalka, xaaladda caafimaad ee muwaadinka iyo qüimeynta khatarta caafimaadka bulshada iyadoo la raacayo habraaca caalimaga ah xaqiijinta baaritaanada Cudurka , waxay go’aamisay in muwaadinka laga saaro karantiilka, iyadoo la raacayo habraacyada caafimaadka ee u degsan dalka iyo kan caalamiga ah.”ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya ayaa sidaasoo kale xaqiijisay in ilaa hadda an Soomaalia laga xaqiijin cuduka Ebola.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan, ayaa BBC-da u sheegay in wali wadaan howlaha feejignaanta iyo u toga haynta xaaladda.

WARARKII KALE

Katz : Israel ma qorsheyneyso in ay weerarto Iran ka hor dorashada

Wasiirka difaaca Isreal Israel Katz ayaa maanta oo isniin...

Iran oo diiday dalabkii Britain, Faransiiska iyo Jarmalka ee ahaa in wada-hadal lala yeesho

Maalmo ka hor intii aysan Britain, Faransiiska iyo Jarmalku...

Xasan Sheekh oo mucaaradka ugu yeeray gogol wadahadal oo Muqdisho ka furmaysa

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa casuumaad rasmi ah...

Firdhiye iyo Abwaan oo heshiis ka gaaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhex taagnaa

Hoggaamiyaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye,...

Xasan Sheekh oo gogol wada-hadal u fidiyay mucaaradka, cadaadiskii siyaasadeed oo mira dhalaya

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa mar kale gogol...

Netanyahu oo u hanjabay Iran

Maalin ka hor doorashooyinka baarlamaanka Israa’iil, ra’iisul wasaarahooda, Benjamin...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles