Hoggaamiyaha sare ee Iiran Mojtaba Khamenei oo amar bixiyey ka dib kulan dhacay

Bogga rasmiga ah ee hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah, Mojtaba Khamenei, ayaa sheegay in kulan uu la yeeshay taliyeyaasha ciidamada qalabka sida ee Iiraan uu ku amray inay si degdeg ah uga jawaabaan “hanjabaad kasta oo cadowga ka timaadda, iyaga oo aan ku xaddidnayn xuduud juqraafiyeed”.

Sida lagu sheegay qoraalka lagu daabacay bogga, wuxuu sidoo kale amray in liiska bartilmaameedyada milatari la cusbooneysiiyo, si hantida Maraykanka iyo Israa’iil ee “maaddiga ah iyo tan aan maaddiga ahayn” ay u noqoto mid ay ciidamada Iiraan gaari karaan.

Waxaa sidoo kale la soo xigtay hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah oo sheegay in haddii weerar cusub oo milatari ama “argagixiso” ah uu dhaco, Iiraan ay iyadu go’aamin doonto waqtiga iyo shuruudaha lagu soo afjarayo dagaalka.

Waxaa la sheegay in kulanka ay goob joog ka ahaayeen Sarreeye Guud Cali Cabdullaahi, oo ah madaxa guud ee ciidamada qalabka sida; Sarreeye Guud Amiir Xaatami, taliyaha guud ee ciidanka milatariga; iyo Sarreeye Guud Axmed Vahidi, taliyaha guud ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah.

Tan iyo markii aabbihii lagu dilay dagaalkii 40-ka maalmood socday, isla markaana uu isaga kala wareegay hoggaanka Jamhuuriyadda Islaamiga ah, Mojtaba Khamenei laguma arag meel fagaare ah, mana bjirto wax cod ama muuqaal ah oo laga sii daayay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 31 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Q.M oo maanta soo xirtay xafiiskeedii siyaasadeed ee Soomaaliya kaddib 13 sano

Qaramada Midoobay ayaa maanta oo ah 31-ka Oktoobar 2026...

Uganda oo Soomaaliya u soo dirtay ciidamo cusub iyo amar culus oo la dul dhigay

Dowladda Uganda ayaa ciidamo cusub oo ka tirsan Guutada...

DFS oo xabsiga dhigtay saraakiishii hoggaaminaysay dagaalkii Jameeco

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay saraakiil ciidan oo...

Uganda oo ciidamadeeda ka saartay Soomaaliya

Dowladda Uganda ayaa la sheegay inay 72-kii saac ee...

Deni oo Garoowe ka wada kulamo ka dhan ah MW Xasan Sheekh

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan xasaasi ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles