Sida ay sheegtay warbaahinta Bloomberg ee Mareykanka, qiyaastii 94% duullimaadyadii ka ambabaxayay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Boqor Khaalid ee magaalada Riyadh intii u dhexeysay 10-kii iyo 27-kii Oktoobar ayaa la baajiyay, kaddib weerarradii Xuutiyiinta.
Weerarkii ugu khasaaraha badnaa ayaa dhacay 10-kii Oktoobar, kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 12 qof, isla markaana sababay in mas’uuliyiintu hakiyaan howlihii garoonka diyaaradaha.
Warbixinta ayaa sheegtay in weerarrada Xuutiyiintu ay sii xumeeyeen carqaladaha soo wajahay duulimaadyada gobolka, kuwaas oo horay u saameeyay dagaalka Iran.
Dhanka kale, xogta dhaqdhaqaaqa diyaaradaha ee FlightRadar ayaa sidoo kale muujinaysa in ay weli jiraan carqalado dhanka duulimaadyada ah oo ka jira garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Boqor Fahad, kaas oo ku yaalla magaalada Dammam ee bariga Sacuudiga.


