Aadan Madoobe oo Itoobiya ka dalbaday taageero milatari

Warbaahinta ka howlgasha Itoobiya ee Adis Startand ayaa werisay in hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), uu dowladda Itoobiya ka dalbaday taageero dhinaca milatariga ah, kaddib kulan uu magaalada Baydhabo kula yeeshay saraakiil ka tirsan ciidamada Itoobiya.

Warbixinnada la baahiyey ayaa sheegaya in Aadan Madoobe uu saraakiisha Itoobiya kala hadlay xaaladda amni ee Koonfur Galbeed, gaar ahaan sidii looga hortagi lahaa weerarro ay soo qaadaan xoogagga taabacsan madaxweynihii hore ee maamulkaas, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Sida ay qorayaan warbaahinta maxalliga ah, kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa amniga Baydhabo iyo sidii looga hortagi lahaa dhaqdhaqaaqyada ciidan ee xoogagga Lafta-gareen.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 11 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Aadan Madoobe oo tuute xirtay,una diyaar-garoobay dagaal ka dhan ah Lafta gareen

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Cirro oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Israa’iil

Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa waraaqaha...

Jubbaland oo mideysay ciidamadii Daraawiishta iyo kuwa cusub ee ku sugnaa Baladxaawo

Dowladda Jubbaland ayaa maanta si rasmi ah isugu dartay...

Iiraan oo hanjabaad hor leh jeedisay xilli Trump rajo muujiyey

Afhayeenka ciidamada milatariga Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, Mohammad...

Trump oo war ka soo saaray wadahadalada Iran

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in wada-hadallada Iran...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles