Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay inay tanaasul ka muujiso arrimaha farsamo ee la xiriira doorashada, balse aysan marnaba ka tanaasuli doonin hirgelinta nidaamka doorashada qof iyo cod.
Wasiirka ayaa sheegay in dowladda ay weli fursad u bannaynayso wada-hadallada iyo heshiis siyaasadeed oo laga gaaro khilaafka doorashada, isagoo xusay in madaxda mucaaradka, gaar ahaan kuwa Puntland iyo Jubbaland, aysan weli dowladda soo gaarsiin go’aan rasmi ah oo ku saabsan inay ka qaybgalayaan ama ay diiddan yihiin hannaanka doorashada.
Cabdifataax Qaasim ayaa adkeeyey in dowladda ay diyaar u tahay in laga wada-hadlo arrimaha farsamo ee doorashada, kuwaas oo ay dhinacyadu isku fahmi karaan, hase yeeshee uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud go’aansaday in dalka laga hirgeliyo nidaamka qof iyo cod.
Dhanka kale, Wasiirka ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu doonayo in Soomaaliya ay si madax-bannaan uga faa’iidaysato khayraadkeeda dabiiciga ah, isla markaana ay yareyso ku-tiirsanaanta dalalka shisheeye, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo ganacsiga.
Wasiirka Warfaafinta ayaa sidoo kale eedeymo culus u jeediyey qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka, isagoo ku andacooday inay xiriir iyo wada-shaqayn la leeyihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo dhinacyo shisheeye oo uu sheegay inay doonayaan inay wiiqaan dowladnimada Soomaaliya.
Hadalkan ayaa imanaya xilli uu weli taagan yahay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Federaalka iyo hoggaanka mucaaradka, kaas oo salka ku haya nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa iyo hannaanka lagu heshiinayo.


