Brigedia Jeneraal Kiomars Heidari, ku-xigeenka Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Iran, ayaa ku hanjabay in la dili doono hoggaamiyeyaasha Mareykanka iyo Israa’iil, xilli uu wareysi siinayay telefishin ka howlgala dalkaas.
“Waxaan dili doonnaa Trump iyo Netanyahu,” ayuu yiri sarkaalkaasi oo hadalkiisa lagu baahiyay muuqaal ay shalay daabacday wakaaladda wararka ee dowladda Iran.
Wareysigaas, sarkaalka militariga ah ayaa sheegay in dhammaan maraakiibta dagaalka ee Mareykanka ay hadda ku sugan yihiinmeel masaafo dhan 500 oo kiiloomitir u jirta Iran.
Arrintan ayaa timid kadib markii ciidamada Iran ay bartilmaameedsadeen laba markab oo dagaal oo Mareykan ah 6-dii iyo 7-dii bishii Sebtembar.
Ku-xigeenka Taliyaha Guud ee Ciidamada Iran ayaa sidoo kale sheegay in intii uu socday dagaalkii milatari ee bilihii la soo dhaafay, ciidamada Iran ay burburiyeen 300 oo diyaaradood oo Mareykan ah, ayna qaar ka mid ah la wareegeen iyagoo adeegsanaya nidaamyada dagaalka elektaroonigga ah.
Sidoo kale, wuxuu ka digay inay jiraan hub sir ah oo gantaallo ah oo ilaa hadda la qariyay, isagoo sheegay in haddii dagaal kale uu qarxo ay soo bandhigi doonaan sirtaas.


