Farmaajo oo shuruud ku xiray ka qeyb galka Shirka MW Xasan Sheekh

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa jawaab ka bixiyey farriin la xiriirta shirka uu iclaamiyey Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo lagu wado inuu Muqdisho ka dhaco 14-ka ilaa 18-ka bishan.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xisbiga Nabad iyo Nolol ayaa lagu sheegay in Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida ay booqdeen hoyga Farmaajo, iyagoo halkaasi ku gaarsiiyey farriin uu soo diray Xasan Sheekh, taas oo la xiriirtay shirka uu ku casuumay madaxda siyaasadda iyo dhinacyada mucaaradka.

Farmaajo ayaa Taliyeyaasha u sheegay in shirkaasi uu u baahan yahay kalsooni iyo jawi siyaasadeed oo suurtagelinaya in dhammaan dhinacyadu ka qaybgalaan, isagoo ku adkeeyey in gogosha wada-hadalku noqoto mid loo dhan yahay.

Sida lagu sheegay qoraalka, Farmaajo ayaa sidoo kale ku baaqay in la ixtiraamo dadaallada iyo doorka beesha caalamka ee gogosha wada-hadalka hore u dhigtay, isla markaana wada-hadallada laga sii ambaqaado halkii lagu kala tegay 3-dii Sebtembar.

Dhanka kale, Xisbiga Nabad iyo Nolol ayaa beeniyey wararka sheegaya inuu ka qaybgalay kulan wadajir ah oo ay yeesheen ururro kale oo mucaarad ah, isagoo caddeeyey inaysan jirin ka-qaybgal noocaas ah.

Farmaajo ayaa sidaas ku muujiyey shuruudaha uu u arko in lagu xaqiijin karo qabsoomidda shir siyaasadeed oo lagu gaaro is-afgarad, iyadoo ay weli taagan tahay xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa dowladda iyo mucaaradka.

WARARKII KALE

MW Xasan Sheekh iyo Erdoğan oo ka wada hadlay amniga iyo iskaashiga labada dal

Madaxweynaha  Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed la...

Golaha Wasiirrada oo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Dakhliga Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta, kulankoodii Khamiislaha...

DF oo cambaaraysay weerarkii lagu dilay siddeed muwaadin oo Kenyan ah

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaaraysay weerarkii...

Aadan Madoobe oo maanta ku wajahan Baraawe iyo ammaanka oo si weyn loo adkeeyay

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe),...

Guddoomiyaha Shabeellaha Hoose oo bogaadiyey doorka ciidamada Uganda ee amniga gobolka

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, Cabdifataax Sayid Axmed, ayaa ammaanay...

Soomaaliya oo COP31 ka dalbatay $6.3 bilyan oo lagu wajaho saameynta isbeddelka cimilada

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beesha caalamka ka dalbatay lacag...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles