Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaaraysay weerarkii ay kooxaha maleeshiyaadka Al-Shabaab ku dileen siddeed muwaadin oo Kenyan ah, kaas oo ka dhacay gudaha dalka Kenya.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda ay tacsi u dirayso qoysaska iyo ehellada dadkii ku naf waayay weerarkaasi.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in argagixisadu ay tahay cadow caalami ah oo u baahan in si wadajir ah loola dagaallamo, iyadoo ku baaqday in aan gabaad la siin kooxahaasi iyo cid kasta oo xiriir la leh.
Cambaarayntan ayaa timid kaddib weerar lagu qaaday gaari ay saarnaayeen shaqaale dhisme waddo ah oo marayay waddada isku xirta Mandera, Arabia iyo Lafey ee gobolka Mandera, Kenya, kaas oo ay ku dhinteen siddeed qof.


