Golaha Wasiirrada oo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Dakhliga Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta, kulankoodii Khamiislaha ahaa, Faysal Maxamed Xaashi u magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Dakhliga Qaranka, kaddib soo jeedin ka timid Wasiirka Maaliyadda XFS, Mudane Biixi Iimaan Cige.

Mudane Faysal Maxamed Xaashi, oo hadda ah Agaasimaha Guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda, ayaa tan iyo sannadkii 2023 ka soo qabtay shaqooyin muhiim ah oo la xiriira arrimaha dakhliga, kuwaas oo ay ka mid yihiin dib-u-habaynta iyo casriyeynta ilaha dakhliga.

Waa kuma Faysal Maxamed Xaashi?

Mudane Faysal Maxamed Xaashi waa khabiir ku takhasusay maamulka maaliyadda guud, siyaasadda dhaqaalaha iyo kobcinta dakhliga gudaha, isaga oo leh in ka badan 12 sano oo waayo-aragnimo shaqo ah oo ku saabsan arrimaha dhaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu Wasaaradda Maaliyadda ka soo qabtay xilal kala duwan, oo ay ka mid yihiin Sarkaal Maaliyadeed, Madaxa Waaxda Fulinta Miisaaniyadda iyo Madaxa Waaxda Siyaasadda iyo Falanqaynta Dhaqaalaha Guud. Bishii May 2023 ayuu noqday Agaasimaha Guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda.

Mudane Faysal waxa uu khibrad ballaaran u leeyahay dib-u-habaynta canshuuraha, kordhinta dakhliga gudaha, casriyeynta nidaamka canshuuraha, maamulka kastamyada iyo federaaleynta maaliyadda. Waxa uu sidoo kale door muhiim ah ka qaatay hirgelinta qorshayaasha kobcinta dakhliga iyo horumarinta nidaamka sharciyeed ee Hay’adda Dakhliga Qaranka.

Dhanka waxbarashada, waxa uu shahaadada Master-ka ee Horumarinta Dhaqaalaha ka qaatay Jaamacadda Ritsumeikan ee dalka Japan sannadkii 2019, halka shahaadada koowaad ee Xisaabaadka uu ka qaatay Jaamacadda SIMAD. Waxa kale oo uu tababbarro heer caalami ah ku qaatay maamulka maaliyadda guud, qorsheynta dhaqaalaha iyo saadaasha dakhliga.

Intii u dhexeysay sannadihii 2020 iyo 2023, waxa uu bare ka ahaa Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, halkaas oo uu dhigi jiray maaddooyinka Qorsheynta Dhaqaalaha iyo Maamulka Dhaqaalaha

WARARKII KALE

MW Xasan Sheekh iyo Erdoğan oo ka wada hadlay amniga iyo iskaashiga labada dal

Madaxweynaha  Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed la...

DF oo cambaaraysay weerarkii lagu dilay siddeed muwaadin oo Kenyan ah

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaaraysay weerarkii...

Farmaajo oo shuruud ku xiray ka qeyb galka Shirka MW Xasan Sheekh

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa jawaab...

Aadan Madoobe oo maanta ku wajahan Baraawe iyo ammaanka oo si weyn loo adkeeyay

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe),...

Guddoomiyaha Shabeellaha Hoose oo bogaadiyey doorka ciidamada Uganda ee amniga gobolka

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, Cabdifataax Sayid Axmed, ayaa ammaanay...

Soomaaliya oo COP31 ka dalbatay $6.3 bilyan oo lagu wajaho saameynta isbeddelka cimilada

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beesha caalamka ka dalbatay lacag...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles