MW Xasan Sheekh iyo Erdoğan oo ka wada hadlay amniga iyo iskaashiga labada dal

Madaxweynaha  Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed la yeeshay dhiggiisa dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, kaas oo ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee labada dal.

Labada Madaxweyne ayaa kulankooda diiradda ku saaray horumarinta iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarka, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay ballaarinta wada-shaqeynta labada dowladood.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Erdoğan ayaa isla qaatay in la sii xoojiyo xiriirka soo jireenka ah ee ku dhisan walaaltinimada iyo iskaashiga labada shacab, si loo gaaro danaha iyo himilooyinka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Turkiga.

WARARKII KALE

Golaha Wasiirrada oo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Dakhliga Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta, kulankoodii Khamiislaha...

DF oo cambaaraysay weerarkii lagu dilay siddeed muwaadin oo Kenyan ah

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaaraysay weerarkii...

Farmaajo oo shuruud ku xiray ka qeyb galka Shirka MW Xasan Sheekh

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa jawaab...

Aadan Madoobe oo maanta ku wajahan Baraawe iyo ammaanka oo si weyn loo adkeeyay

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe),...

Guddoomiyaha Shabeellaha Hoose oo bogaadiyey doorka ciidamada Uganda ee amniga gobolka

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, Cabdifataax Sayid Axmed, ayaa ammaanay...

Soomaaliya oo COP31 ka dalbatay $6.3 bilyan oo lagu wajaho saameynta isbeddelka cimilada

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beesha caalamka ka dalbatay lacag...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles