Sheekh Shariif oo si kulul uga hadlay burburinta Suuqa Xarraryaale, eedeymo culusna u jeediyay Xasan Sheekh

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa si adag uga hadlay burburintii Suuqa Xarraryaale ee degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho, halkaas oo habeenkii xalay ay ka dhaceen isku dhacyo dhexmaray ciidamada dowladda iyo dadkii ka hor yimid duminta suuqa.

Qoraal uu soo saaray Sheekh Shariif ayuu ku cambaareeyay weerarka iyo burburinta hantida shacabka, isaga oo sheegay in falkaasi uu muujinayo sida Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisu ugu mashquuleen boobka hantida dadweynaha.

Sheekh Shariif ayaa qoraalkiisa ku yiri: “Falkan gurracan wuxuu muujinayaa sida Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisu ay ugu sumoobeen boobka hantida shacabka, iyagoo aan xitaa kala jeclayn xilliyada ay fulinayaan duullaanka ka dhanka ah xaafadaha shacabka.”

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale tacsiyeeyay muwaadiniintii naftooda ku waayay weerarka, isaga oo dadka dhaawacmay u rajeeyay caafimaad degdeg ah

Dhanka kale, Sheekh Shariif ayaa sheegay in shacabka xaafadda Xarraryaale ay mudan yihiin in hantidooda la ilaaliyo, wuxuuna ugu baaqay muwaadiniinta caasimadda inay muujiyaan xilkasnimo, isla markaana ay mas’uuliyad iska saaraan ilaalinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo waddooyinka, iyagoo difaacaya xuquuqdooda.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale sheegay in nidaamka muddo-dhaafka ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu caadeystay barakicinta shacabka iyo burburinta hantidooda, isaga oo ku eedeeyay in maamulkaasi uu qaaday mas’uuliyad tacadiyo uu ku tilmaamay kuwo joogto ah Hadalka Sheekh Shariif ayaa imaanaya kaddib markii burburinta Suuqa Xarraryaale ay dhalisay bannaanbaxyo iyo isku dhacyo sababay dhimasho iyo

WARARKII KALE

Aadan Madoobe oo shir amni la yeeshay saraakiisha Koofur Galbeed

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Khayre oo dowladda Xasan Sheekh ku eedeeyay burburinta suuqyada Muqdisho

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa...

Ciidanka DF oo ku sii siqaya Buurhakaba iyo Gulufka ka socda Baydhabo

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa weli...

Burcad-badeed Soomaali ah oo xeebaha Yemen ka afduubtay markab laga leeyahay Imaaraadka Carabta

Burcad-badeed Soomaaliyeed oo iska dhigayay kalluumeysato ayaa markii ugu...

Darawal Soomaali-Maraykan ah oo u geeriyooday weerar arxan darro ah oo loogu geystay isagoo shaqeynaya

Maxamed Cismaan Yuusuf, oo ahaa darawal Soomaali-Maraykan ah oo...

Ciidamada oo Burburin ka sameeyay Xaafadda Kawaanka Xararyaale ee Muqidsho

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, saddex kalena...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles