Khayre oo dowladda Xasan Sheekh ku eedeeyay burburinta suuqyada Muqdisho

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa si kulul uga hadlay burburintii Suuqa Xariiryaale ee degmada Warta Nabada, isaga oo dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay dhulboob iyo burburinta hantida shacabka.

Xasan Cali Khayre ayaa tacsi u diray ehellada dhallinyaradii xalay saqdii dhexe lagu dilay xaafadda Xariiryaale, isaga oo sheegay in dhallinyaradaasi ay ka dhiidhinayeen burburinta suuqa. Waxa uu Alle uga baryay inuu u naxariisto dadkii dhintay, caafimaad degdeg ahna siiyo dhaawacyada.

Khayre ayaa sheegay in haweenkii iyo hooyooyinkii suuqa ku ganacsan jiray ay maanta adeeggoodii la fadhiyaan geedaha hoostooda, kaddib markii hantidoodii iyo goobihii ganacsiga la burburiyay.

Waxa uu sidoo kale dowladda ku eedeeyay inay burburisay suuqyo muhiim u ahaa dhaqaalaha Muqdisho, isaga oo tusaale u soo qaatay suuqyada Siinaay, Buulaxuubey, Bilaajo-Carab iyo qaybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo indheergaradka bulshada ugu baaqay inay ka dhiidhiyaan waxa uu ku tilmaamay dhulboobka iyo burburinta hantida shacabka, isla markaana ay si wadajir ah uga hortagaan falalka uu sheegay inay dhaawacayaan dalka, dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Aadan Madoobe oo shir amni la yeeshay saraakiisha Koofur Galbeed

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Sheekh Shariif oo si kulul uga hadlay burburinta Suuqa Xarraryaale, eedeymo culusna u jeediyay Xasan Sheekh

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

Ciidanka DF oo ku sii siqaya Buurhakaba iyo Gulufka ka socda Baydhabo

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa weli...

Burcad-badeed Soomaali ah oo xeebaha Yemen ka afduubtay markab laga leeyahay Imaaraadka Carabta

Burcad-badeed Soomaaliyeed oo iska dhigayay kalluumeysato ayaa markii ugu...

Darawal Soomaali-Maraykan ah oo u geeriyooday weerar arxan darro ah oo loogu geystay isagoo shaqeynaya

Maxamed Cismaan Yuusuf, oo ahaa darawal Soomaali-Maraykan ah oo...

Ciidamada oo Burburin ka sameeyay Xaafadda Kawaanka Xararyaale ee Muqidsho

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, saddex kalena...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles