Nin qaraxyo kusoo qariyay Darmuusyo oo la qabtay

Ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed iyo kuwa deegaanka ku sugan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, ayaa gacanta ku soo dhigay nin oday ah oo lagu eedeeyay in uu qaraxyo magaalada soo galinayay.

Saraakiisha ciidanka ammaanka ee ku sugan degmada Xarardheere ayaa sheegay in laga shakiyay darmuusyo iyo agabyo kale uu waday ninkan, waxaana baaris kaddib laga helay agabkaasi qaraxyo lagu soo qariyay.

Ninkan ciidamada ammaanka qabteen lagu magacaabo Abuukar Illey, waxaana la sheegay ninkan in horey looga shakiyay looguna xiray xabsiga magaalada Xarardheere, ayaa markii dambe qaab damiin ah lagu siidaayay.

Laamaha ammaanka degmada Xarardheere , ayaa hadda baaritaanno dheeraad ah ku sameenaya ninkan qaraxyada loo soo dhiibay, waxa ayna saraakiisha baarayaan cidda usoo dhiibtay qaraxyada iyo cidda lala damacsanaa in lagu dhibaateeyo.

WARARKII KALE

Katz : Israel ma qorsheyneyso in ay weerarto Iran ka hor dorashada

Wasiirka difaaca Isreal Israel Katz ayaa maanta oo isniin...

Iran oo diiday dalabkii Britain, Faransiiska iyo Jarmalka ee ahaa in wada-hadal lala yeesho

Maalmo ka hor intii aysan Britain, Faransiiska iyo Jarmalku...

Xasan Sheekh oo mucaaradka ugu yeeray gogol wadahadal oo Muqdisho ka furmaysa

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa casuumaad rasmi ah...

Firdhiye iyo Abwaan oo heshiis ka gaaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhex taagnaa

Hoggaamiyaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye,...

Xasan Sheekh oo gogol wada-hadal u fidiyay mucaaradka, cadaadiskii siyaasadeed oo mira dhalaya

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa mar kale gogol...

Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday natiijo toddobaadyo la sugayey

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka Bulshada ee dowladda Federalka Soomaaliya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles