Firdhiye oo furay dugsiga tababarka ciidanka Daraawiishta SSC

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa maanta si rasmi ah u furay dugsiga tababarka ciiddammada daraawiishta SSC-Khaatumo ee Samakaab.

Dugsigan ayaa ah kii ugu horreeyey ee maamulku hirgeliyo islamarkaana looga golleeyahay in uu soo saaro saraakiil tababar, akhlaaq iyo waddanimo ahaanba u dhisan.

Hoggaamiyaha ayaa u xusay in ay sidoo kale qorshaynayaan taabba-gelinta kulliyado kale oo lagu dhiso qaybaha kala duwan ciidanka SSC-Khaatumo. Furitaanka dugsigan waxaa Hoggaamiyaha ku weheliyey xubno ka tirsan labada gole ee dawladda, Taliyaha CDSSC-Khaatumo, Taliyaha CBSSC-khaatumo iyo saraakiil kale.

Dhanka kale Taliyaha ciiddammada Daraawiishta SSC-Khaatumo S/G Saleebaan Barre Geesood ayaa si faahfaahsan  uga warbixiyey qorsheyaashooda tayeynta iyo tababarrada ciidanka isaga oo xusay in furitaanka dugsigani uu kusoo beegmay maalin taariikhi ah oo ah 06. feb.

Ugu dambayn hoggaamiyaha ayaa taliska faray dardargelinta tayeynta iyo tababarka ciidammada qaybohooda kala duwan sidoo kalena ugu baaqay shacabweynaha reer SSC-Khaatumo in ay markasta garab taagnaadaan ciidankooda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo war ka soo saartay xiisada ka taagan Muqdisho

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska NISA...

Himilo Qaran oo Xasan Sheekh uga digay weerar ka dhan ah xarumaha mucaaradka

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee...

Ciidamo cusub oo Tababar loogu soo xiray Galgaduud

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar...

Imaaraadka carabta oo lagu eedeeyay duqeyn dishay hal qoys ah oo shacab ah

Warbixin baaritaan ah oo ay daabacday warbaahinta Mareykanka ee...

Mareykanka oo ka digay halista Xuutiyiinta iyo qorshahooda Soomaaliya

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa walaac ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles