Friday, May 9, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo La kulmay Dhigiisa Uganda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kambaala ee caasimadda dalka Ugaandha, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha ayaa la kulmay dhiggiisa Madaxweynaha Dalka Ugaandha Mudane Yoweri Museveni oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta u amba-bixi doona magaalada Daarusalaam ee dalka Tansaaniya, si uu uga qayb galo shir aan caadi ahayn oo looga arrinsanayo colaadda ka aloosan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo.

Shirka Daarusalaam ayaa lagu xoojinayaa dadaallada lagu daminayo xiisadda colaadeed ee ka taagan gobolka, iyadoo Soomaaliya ay mar walba diyaar u tahay iskaashi buuxa iyo taageero ku aaddan nabadda iyo horumarka mandiqadda.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 08/05/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Madaxweynaha Koofur galbeed oo gaaray Magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Dowladda Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo...

Jubbaland oo ka hortimid qodobadii ka soo baxay shirkii golaha wadatashiga Qaranka

Golaha Wasiirrada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa maanta si adag...

Lafta gareen oo ka tagay Muqdisho, kadib markii ay MW Xasan Sheekh isku fahmi waayeen xisbiga Cusub

Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta...

DFS oo qorsheynaysa inay maamul cusub u dhisto Jubbaland iyo khilaafka oo weji cusub yeeshay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheynaysa  inay maamul goboleed cusub...

Mareykanka oo $10 Milyan Dul Dhigay Madaxa Cabdullahi Banati

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa shaacisay abaalmarin lacageed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles